Caadooyinka maalinlaha ah ee dhiirrigelinta isla markiiba kugu kordhiya waa muhiim, qof kastana wuu u baahan yahay. Sababtoo ah nolol maalmeedka waxay ka buuxdaa caqabado culus iyo niyad jab marka ay timaado in qofku riyooyinkiisa uu ku dhiirrado. Haddana dadka guuleysta kama waayaan wax ay maalin kasta ku dhiirrigeliyaan naftooda, waana sababta ay u yeeshaan tamar joogto ah iyo dadaal aan kala go' lahayn. Si aad adiguna taas u gaarto waa inaad naftaada barataa caadooyin fudud laakiin saameyn weyn leh oo aad ku sameyn karto maalin kasta. Haddaba bal aan ka bilowno sida subaxdaada looga dhigo mid ku bilowda firfircooni, farxad iyo xoog.
Marka hore, hurdada wanaagsan ayaa ah aasaaska dhiirrigelinta. Qof hurdo wanaagsan seexda wuxuu subaxdii ku toosaa maskax deggen iyo jir dhisan. Hurdada kugu filan waxay noqon kartaa 7 ilaa 8 saacadood habeenkii. Markaa hubi inaad taleefanka dhinac iska dhigto oo aad seexato goor hore si hurdadaadu u noqoto mid tayo leh.
Markaad hurdada ka kacdo, biyo badan cab. Biyuhu waxay nadiifiyaan jirka waxayna maskaxda ku kordhiyaan firfircooni. Cabitaanka biyaha subaxii marka ugu horreysa wuxuu jirka ka fogeeyaa hurdo yaraanta wuxuuna dhiigga ku wareejiyaa si fiican.Marka xigta, quraac caafimaad leh cun. Cuntooyinka ay ku badan yihiin khudradda iyo miraha waxay jirkaaga siinayaan tamar dabiici ah oo aan saameyn xun lahayn oo kaa caawisa inaad shaqooyinka maalinlaha ah si fudud u qabato. Dadka caajiska iyo tamar darrada la kulma badanaa waxay iska indha tiraan muhiimadda quraacda.
Marka xigta, samee jimicsi fudud. Ma aha in jimicsigaagu noqdo mid waqti dheer qaata. Socod yar oo toban daqiiqo ah, yoga fudud ama xoogaa isgubasho ah ayaa jirka iyo maskaxda kugu kicin kara. Marka aad dhaqdhaqaaqdo, hormoonka endorphins oo ah hormoonka farxadda ayaa kor u kacaya, taasoo sababta in daalka iyo caajiska laga fogaado. Sidoo kale, xilliga subaxda waa waqtiga ugu fiican ee aad naftaada kula hadli karto erayo togan oo dhiirrigelin leh. Tusaale ahaan waxaad is leedahay: maanta waxaan qaban doonaa waxyaabo waaweyn, waxaan awoodaa inaan guuleysto, waxaan ka fiicanahay inaan caajiso.
Erayadan togan waxay maskaxda ku abuuraan fikir wanaagsan oo kuu sahla in aad tallaabo qaaddo oo aadan dib u dhigto howlaha muhiimka ah.
Marka aad dhamayso diyaar garowga subaxda, waxaa muhiim ah inaad sameyso qorshe cad oo ku saabsan waxa aad maalintaas qaban doonto. Qor liis ama jadwal howleed. Qoraalkan yar wuxuu kaa caawinayaa inaad maskaxda ka fogeyso jahwareerka wuxuuna kugu riixayaa inaad si nidaamsan wax u qabato. Howlahaaga u kala hormari. Marka hore qabso kuwa muhiimka ah, kadib kuwa aan degdeg ahayn. Haddii aad howlahaaga la dagaalanto si isku mid ah waxaad dareemi doontaa daal iyo niyad jab. Laakiin marka aad ogaato waxa muhiimka ah waxaad diiradda saareysaa xooggaaga halka loo baahanyahay oo keliya.
Marka aad howlaha guda jirto ha iloobin inaad nasato. Qofka aan nasan wuxuu ka daalaa hawsha ka hor intaanu dhamayn. Shaqo joogto ah oo nasasho la’aan ah waxay ku dambaysaa in dhiirrigelintu meesha ka baxdo. Sidaa darteed, u samee jadwal aad ku nasato 5 ilaa 10 daqiiqo kadib 45 ilaa 60 daqiiqo oo shaqo ah. Nasashadani waxay maskaxda ka nadiifisaa culayska waxayna ka dhigtaa mid mar labaad xoog u yeelata oo diyaar u ah inay sii wado howlaha.
Marka aad shaqo fiican qabato, naftaada ku abaal mari. Tusaale ahaan cabitaan yar oo aad jeceshahay, socod gaaban ama waqti yar oo aad buug akhrido. Abaalmarinta nafta waxay kaa caawisaa inaad dareento qiimeyn iyo farxad markaad dadaasho. Waxay sidoo kale dhiirrigelin u noqotaa in shaqo kale oo fiican aad qabato.
Had iyo jeer la joog dadka wanaagsan. Dadka fikirka wanaagsan leh iyo kuwa dadaalka jecel waxay kugu abuuri karaan dhiirrigelin joogto ah. Laakiin dadka had iyo jeer caajis ah oo niyad jab leh waxay kaa dhigaan adigana mid caajis noqda. Sidaa darteed is dhex gal dadka firfircoon oo hadaf leh. La sheekayso, la shaqee, la qadee, la kulmo. Waxay kugu abuuri doonaan rabitaan aad ku guuleysato. Marka aad shaqooyin muhiim ah qabanayso, iska ilaali in aad isla markaas isticmaasho taleefanka, baraha bulshada iyo waxyaabaha kale ee mashquuliya. Waqti go’an oo shaqo u samee kadib fasax taleefanka ama baraha bulshada. Haddii kale maskaxdaadu mar kasta waxay ku wareegaysaa fikrado kala duwan taas oo ka disha dhiirrigelinta. Marka hawsha aad ku jirto, ku dadaal inaad feejignaato oo dhan.
Marka maalin dhan shaqo fiican la qabto, habeenkii wuxuu leeyahay door muhiim ah. Hurdada wanaagsan waxay dib u cusboonaysiisaa jirka waxayna maskaxda ku sii adkaysaa xusuusta waxa aad barato markaad hurudo. Kahor intaadan seexan, akhri wax yar oo togan ama dib ugu celceli yoolalkaaga. Maskaxda u sheeg in aad maalin cusub oo ka fiican berri la kulmi doonto. Qofka sidaas sameeya wuxuu hurdaa si raaxo leh wuxuuna toosaa isagoo diyaar u ah inuu markale dadaalo. Marka aad sidaas ku waddo maalin kasta, caadooyinkan waxay noqdaan qayb ka mid ah noloshaada oo aanad dareemin inaad ku khasban tahay in aad dadaasho. Waxay noqdaan caado ku qotonta maskaxda iyo jidhka oo mar kasta ku xasuusisa in dadaalka iyo firfircoonida ay muhiim u yihiin guusha ugu dambeysa. Dad badan ayaa u maleynaya in dhiirrigelintu tahay wax soo bood ah ama ay ka timaaddo meel banaanka ah, laakiin xaqiiqdu waxay tahay dhiirrigelinta dhabta ahi waxay ka timaadaa gudahaaga.
Adigaa dooranaya inaad caajisto ama aad istaagto oo aad wax qabato. Haddii aad barato inaad maalin kasta qaadato caadooyin wanaagsan oo sahlan sida hurdada wanaagsan, quraacda caafimaadka leh, biyaha badan, jimicsiga, qorsheynta howlaha, nasashada iyo abaalmarinta nafta, markaa waxaad arki doontaa isbeddel muuqda oo ku yimaada heerkaaga tamarta iyo niyadda wanaagsan.
Qof kastaa wuxuu leeyahay maalmo uu dareemayo in uusan rabin inuu wax qabto. Laakiin qofka leh caadooyin fiican wuu ka adkaan karaa caajiskaas. Sababtoo ah jirkiisa iyo maskaxdiisu waxay la qabsadeen nidaam shaqeynaya. Sidaa darteed haddii aad rabto inaad noqoto qof leh dhiirrigelin joogto ah hadda bilow sameynta caadooyinkan. U diyaari naftaada jadwal gaar ah oo maalin kasta raac. Tartiiib tartiib waxaad arki doontaa natiijooyin wax ku ool ah waxaana hubaal ah inaad noqon doonto qof isku kalsoon, dadaal badan oo guulo waaweyn gaara.
Marka laga reebo inaad kaligaa isku daydo waxaad sidoo kale dadka kale kula wadaagi kartaa caadooyinkan. Waa suuragal inaad noqoto qof dhiirrigeliya qoyskaaga, asxaabtaada ama dadka kugu xeeran. Dhiirrigelinta wanaagsan waxay ku faaftaa bulshada dhexdeeda. Sidaas darteed marka aad isbedelka ku bilowdo naftaada waxaad toos ugu fidisaa dad kale. Waxay arkaan sida aad ugu faraxsan tahay, firfircoon tahay oo ku dadaalayso wayna kugu daydaan. Tani waa mid ka mid ah siyaabaha ugu fiican ee bulshada lagu bedelo.
Bilowga wax walba waa naftaada. Ku kalsoonow maskaxdaada, si joogto ah u quudi caadooyin fiican. Waxaa hubaal ah inaad mar walba noqon doonto qof dhiirrigelin leh, tamar leh oo mar kasta diyaar u ah inuu guuleysto.
0 Comments